26/08/2026
Ololaha Tabarucaadka Bilaha Xagaaga oo Si Heer Sare ah Looga Fuliyey Magaalada Qabridaharre
Magaalada Qabridaharre waxaa si heer sare ah uga qabsoomay Ololaha Tabarucaadka Bilaha Xagaaga, iyadoo diiradda lagu saaray taageerada waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda danyarta ah.
Barnaamijka oo ay soo qabanqaabiyeen Garbaha Dhallinyarada iyo Haweenka Xisbiga Barwaaqo ee Maamulka Magaalada Qabridaharre, waxaa ka qaybgalay Maayar -ku-xigeenka Magaalada, Mudane Cabdifatax Deeq Khaliif, iyo Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Magaalada Qabridaharre, Mudane Maxamed Muxumed Caafi.
Intii ay munaasabaddu socotay, 152 carruur ah oo laga soo kala xulay xaafadaha magaalada ayaa lagu taageeray buugaag iyo agab dugsiyeed.
Ololahani wuxuu muujinayaa doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ka qaadanayaan tabarucaadka, is-kaashiga iyo horumarinta bulshada, gaar ahaan garab istaagga carruurta u baahan taageerada waxbarasho.
Kabridahar City Administration
26/08/2026
Wacyigelinta iyo Abaabulka Dib-u-furista Dugsiyada 2019 T.I.
Magaalada Qabridahare waxaa maanta ka dhacay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey Hoggaaminta Magaalada iyo kooxda Wacyigelinta, Abaabulka iyo Dib-u-furista Dugsiyada ee Xafiiska Waxbarashada DDS.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa soo-xaraynta ardayda dugsiyada barbaarinta, kuwa fasalka 1-aad ku cusub, ardayda Loox-tuureedka, ardaydii h**e u dhiganaysay dugsiyada iyo jiilka cusub ee waxbarashada.
Sidoo kale, mudnaan gaar ah ayaa la siinayaa soo-xaraynta ardayda dugsiyada hoyga, si loo kordhiyo ka-qaybgalka waxbarashada loona xoojiyo tayadeeda.
Duqa Magaalada Qabridahare, Eng. Cabdirisaaq Cawil Muxumed, ayaa caddeeyey in Hoggaaminta Magaaladu si buuxda ula shaqayn doonto kooxda,
garabna siin doonto hawlaha wacyigelinta iyo abaabulka waxbarashada.
Waxbarasho tayo leh, jiil wax bartay iyo mustaqbal ifaya waa masuuliyad wadajir ah.
Kabridahar City Administration
26/08/2026
Maalmihii u dambeeyey, Magaalada Qabridaharre—Xarunta Gobolka Qoraxey- si meeqaam sare ayaa loogu xusay Mowlidka Dhalashada Nabigeenna Muxammad (SCW).
Munaasabadda ayaa si weyn uga qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo lagu muujiyey jacaylka iyo xuska Nabigeenna suuban (SCW).
Kabridahar City Administration
24/08/2026
Qabridaharre: Ololaha Wacyigelinta Mashruuca Horumarinta Marinada Magaalada (Corridor Development Project)
Waxaa saaka Magaalada Qabridaharre ka qabsoomay kulan wacyigelin ah oo uu Maamulka Magaalada u qabtay bulshada, kaas oo diiradda lagu saaray Mashruuca Horumarinta Marinada Magaalada (Corridor Development Project) iyo diyaar-garowga wejiga h**e ee mashruuca, gaar ahaan banaynta Right of Way (ROW).
Kulanka ayaa bulshada lagu wargeliyay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta magaalada, bilicdeeda, kaabayaasha dhaqaalaha, fududaynta isu-socodka iyo kobcinta adeegyada bulshada.
Maamulka Magaalada ayaa bulshada ugu baaqay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan mashruuca, isla markaana ay si buuxda uga qaybqaataan hawlaha soo socda, gaar ahaan banaynta iyo diyaarinta marinada (Corridor), si mashruucu ugu hirgalo si habsami leh oo waafaqsan qorshihiisa.
Marinada Magaalada Qabridaharre — Horumar, Bilic iyo Mustaqbal Wanaagsan.
Kabridahar City Administration
23/08/2026
Munaasabad Abaalmarin iyo Dhiirrigelin ah – Qabridahare 🏆
Magaalada Qabridahare waxaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusay hay’adaha nabadgelyada, Booliska iyo Maleeshiyada, garabyada Dhallinyarada iyo Haweenka Xisbiga Barwaaqo, hoggaaminta xaafadaha, ururrada haweenka, Media Army iyo qaybaha kale ee bulshada.
Abaalmarinnada ayaa lagu aqoonsaday kaalintii ay ka qaateen xoojinta nabadgelyada, doorashada qaranka, ururinta deeqaha iyo qaadhaanka, dhiig-bixinta, dhir-beerista iyo nadaafadda.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Maayorka Magaalada Qabridahare Eng. Cabdirisaaq Cawil Muxumed, Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo Laanta MMQ Maxamed Muxumed Caafi iyo masuuliyiin kale.
Mahadnaq • Aqoonsi • Dhiirrigelin
19/08/2026
Qabridahare: Jimicsi Wadareed lagu Xoojinayo Caafimaadka iyo Nolol-wanaagga Bulshada 🏃♂️🏃♀️
Aroornimadii h**e ee saaka, Magaalada Qabridahare waxaa lagu qabtay Jimicsi Wadareed (Mass Sport) oo ay si ballaaran uga qaybqaateen hogaaminta Maamulka Magaalada, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Barnaamijkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, inay joogteeyaan jimicsiga iyo dhaqdhaqaaqa jidhka, si loo xoojiyo caafimaadka jidhka iyo maskaxda, loona kobciyo dhaqanka nolol caafimaad leh.
Caafimaad qaba, bulsho firfircoon!
Kabridahar City Administration
18/08/2026
Qabridaharre: Diyaargarowga Mashruuca Horumarinta Marinada Magaalada
Magaalada Qabridaharre ayaa si rasmi ah looga bilaabay diyaargarowga iyo calaamadeynta goobaha uu mari doono ama saamayn ku yeelan karo Mashruuca Horumarinta Marinada Magaalada (Corridor Development Project).
Shacabka Magaalada ayaa si wanaagsan uga qaybqaadanaya hawsha diyaar-garowga iyo banaynta goobaha mashruucu saamaynayo, iyadoo wacyigelin, hagid iyo taageero ay si wadajir ah uga socoto Maamulka Magaalada iyo hay’adaha ay khusayso.
Shacabka goobahooda uu mashruucu saamaynayo waxaa lagu boorrinayaa inay si wanaagsan uga diyaar-garoobaan, isla markaana la shaqeeyaan hay’adaha masuulka ka ah, si mashruucu ugu hirgalo si nidaamsan, qurux badan oo waafaqsan heerarka Corridor Development.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo bilicda, isku-xidhnaanta iyo horumarka Magaalada Qabridaharre.
Horumarka Qabridaharre waa masuuliyad wadajir ah.
Kabridahar City Administration
16/08/2026
Wafdi uu hoggaaminayay Dr. Dagane Abebe, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dalxiiska ee Dalka, ayaa magaalada Qabridahare ka dhagax-dhigay dhismaha dugsi barbaarinta carruurta, kaas oo lagu maalgelinayo 20 milyan oo Birr.
Sidoo kale, 200 arday oo danyar ah ayaa loo qaybiyay buugaag iyo qalimaan, si loogu garab istaago waxbarashadooda loona dhiirrigeliyo mustaqbalkooda.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta Maamulka Magaalada Qabridahare, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Barnaamijkani wuxuu qayb ka yahay hindisaha tabarucaadka bilaha xagaaga, kaas oo diiradda saaraya taageerada iyo horumarinta bulshada, gaar ahaan dhinaca waxbarashada. Hindisahan oo ku salaysan fikradda iyo dhiirrigelinta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, ayaa muujinaya muhiimadda ay Xukuumaddu siinayso waxbarashada iyo horumarinta jiilka soo koraya.
Bulshada magaalada Qabridahare ayaa si diirran u soo dhaweysay dadaalladan wax-ku-oolka ah ee lagu taageerayo waxbarashada iyo horumarka bulshada.
Kabridahar City Administration
16/08/2026
Kormeer iyo Dabagal Shaqo
Koox ka socotay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Deegaanka Soomaalida ayaa kormeer ku sameeyay qaab-dhismeedyada Xisbiga ee magaalada Qabridahare, iyo sidoo kale barnaamijyada iyo hindisayaasha Xisbiga ee magaalada laga hirgeliyay.
Kormeerku wuxuu diiradda saaray habsami-u-socodka iyo waxqabadka barnaamijyada, saamayntooda bulshada iyo doorka ay ku leeyihiin dardargelinta horumarka magaalada.
Kormeerkan iyo dabagalku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo tayaynta waxqabadka Xisbiga Barwaaqo.
Kabridahar City Administration