16/06/2012
http://allmeheri.com/2012/06/16/qarax-ismiidaamin-ah-oo-ka-dhacay-afgooye/
Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye
Waa qaraxii ugu horreeyay ee ka dhaca Afgooye tan iyo markii ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan-ku-haynta degmadaas. Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qarax ismiidaam...
02/06/2012
China: Inventing Innovation
China is cultivating a new wave of visionaries but faces allegations of unfair trade practices and intellectual piracy.
02/06/2012
http://allmeheri.com/2012/06/02/shirkii-istanbul-2-oo-la-so-gabagabeeyey-iyo-war-murtiyeed-laga-so-saaray-sawir0/
SHIRKII ISTANBUL 2 OO LA SO GABAGABEEYEY IYO WAR-MURTIYEED LAGA SO SAARAY( SAWIR0)
Waxaa la soo gaba gabeeyay shirkii Istanbul ee looga hadlayay Mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb galeen 54-dowladood, iyadoo shirkan laga soo saaray war murtiyeed ka kooban qodobo badan. Shi...
23/05/2012
SHEEKO QOSOL BADAN OO DHEXMARTEY MUSE SUUDI IYO PROFF SAMATAR!!!!!!!!!
Sheeko dhawaan Muqdisho ku dhex markay Gudoomiyaha Xisbiga Hiil Qaran: Prof. Axmed Cismaaciil Samatar, iyo Muuse Suudi Yalaxoow, Sheekadii waxey u dhacday Sidan:
Dhawaan waxa Muqdisho gaaray gudoomiyaha Ururka Hiil Qaran Pro: Samatar iyo xubno badan oo ururkaas ka mida, hasa yeeshe Muuse Suudi Yalaxow ayaa Hotel Saxaafi ku arkay Prof Ahmed Ismaaciil Samatar oo ku casuumay inuu kala qeybgalo shirar uu ku qabanayay Hotelka, markaas ayuu Muuse Suudi Samatar waydiiyay::” muxuu ku saabsan yahay Shirka? Adigasa yaad tahay?
Muxuu ujeedkaagu yahay? Ka dibna wuxuu Samatar u sheegay inuu yahay Prof wax ka dhiga Jaamacad ku taal Mareykanka, sidoo kalena uu doonayo inuu isu sharaxo Madaxweynenimada Somalia.
Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku yiri waa Mahadsan tahay laakiin aan is baranee qabiilkaada yaa waaye? Wuxuu ugu jawaabay Prof Samatar, waxaan ahay Gadabuursi?
Wuxuu Muuse ku yiri “ Gadabuursi walee maaha qabiilka dega Borama, Saylac, Lughaye iyo Gabileey? Markaas ayuu Prof Samatar ugu jawaabay Haa Dhulkaas oo dhan ayaan degnaa!
Wuxuu Muuse Suudi ku yiri, Borama Garoon ma leeyahay? Wuxuu ugu Jawaabay Maya malaha!
Yalaxow oo hadalkiisa sii wata ayaa ku yiri Dekadaha Saylac iyo Lughaye ma shaqeeyaan? Wuxuu ku jawaabay Prof Samatar maya ma shaqeeyaan!
Wuxuu Muuse Yalaxoow u sii raaciyay, Degaankaaga iyo dadkaaga goormee kuugu dambeysay? Wuxuu ku jawaabay Ahmed Ismaaciil Samatar, Labaatan sano iyo ka badan?
Wuxuu Muuse ku yiri HADA MA TAGI KARTAA AWDAL IYO MAHAAD KU DHALATAY? Wuxuu ku jawaabay Maya!!
Wuxuu Muuse u raaciyay, Maxaa u sababa? Wuxuu yiri malahan Garoon diyaaradeed, waxaana dhulkaas heysto Isaaq oo aan qadiyada isku diidanahay!
Muuse Suudi Yalaxoow ayaa yaabay!!! Wuxuu yiri, Ahmed Ismaaciil Samataroow ma waxaad I leedahay Madaxweynaha Somalia ayaan rabaa, meeshaan ku dhashayna ma tegi karo, Garoon aan ka degana ma dhisan karo, dadkeeygana labaatan sano ka badan ma arkin?
Prof Samatar oo wejigiisa isbedelay ayaa yiri Muuse aniga nin aqoonleh baan ahay qabiil maahi”
Muuse ayaa qoslay oo yiri “Eebow xeey tahay aqoontaad heeysato”?
Samatar ayaa ugu jawaabay waxaan heystaa derajada ugu sareeyso Cilmiga ee PHD!
Muuse oo qoslaa ayaa ku gaabsaday Cilmiga qofoow galoow u baahan yahay, aniguse waxaan leeyahay PHD mineey saas tahay, PHD XAAL QAADO?
Prof Samatar oo yara careeysan ayaa ku yiri, Muuse ma waxaad rabtaa inaad iga dhigtid dagaal ooge sida adiga?
Muuse Suudi Yalaxow oo qoslaa ayaa ku yiri “AREEY minaad wax qaban kartid dadkaada u qabo, Mugaad Boorame garoon u dhisto, Saylac dakaddeeda furto, iiga sheekeey aqoontaada , HADII KALE Ha is wareerin, taasi aqoon maaha xambadna kugu tari meyso, ee ANAA KULA YAABEE, UMADA KALE YEEY KULA YAABINE, Ilmahaaga iska korso, SOMALI XABAD UMA QABAN KARTIDE.
Hadalkaas Muuse Suudi Yalaxow, wuxuu dhegaha Prof Ahmed Ismaaciil Samatar ku dhacay waxyar kadib markii Prof. Cali Khaliif Galeydh ku yiri “Ilma Samataroow waxaad tihiin Dalanbaabi aan dadkooda taageero ka heysan. ee markaad taageero ka heshaan ragga la sheekeeysta.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka xanaaqay hadalka Prof Galeydh ayaa bilaabay inuu caayo Khaatuma State hasse yeeshee Prof Galeydh wuxuu ku adkeeysanayaa inuu Somalia waxba ka noqon Karin qof aan dadkiisa iyo degaankiisa dhibka la wadaagin.
22/05/2012
SHEEKO:---Nin ayaa lacag dhul ku xasaystay markasu maalinti danbe is yiri lacagti la soo bax markasu ka radiyay lacagta malan mashi ahen ayuu ka radiyey asagoo rafaadsan ayaa nin Ag maray markaasu ku yiri maxaa intaa kaga lumay markasu ku jawaabay lacag ayaan intaa ku aastay markasu ninki ku dhahay Maxaa calamad u samaysatay ??? ... Saaxiibkaa Kulahaa Calamad waxa ii aheyd Daruurta oo ku toosneyd barta an lacagta ku qarsaday
22/05/2012
[ Sheeko waalan ]
As wb, Waa sheeko Dhex martay Wiil iyo Aabihiis, aabaha ayaa safar aadaya wuu soo noqonayaa Airporta ayuu ka soo dagay wuxuu arkay wiilkiisii yaraa oo sugaya, markaasuu weydiiyey aabihi si dhakhso ah 'See aheed noloshu intaan maqnaa?'
'Wax dhiba maa dhacay oo idinku yimid?' Wiilkiisii baa ugu jawaabay
'Maya aabbe wax walba waa dhag-dhag!!' isagoo hadalkii cunugu sii wato ayuu ku daray 'Waxaan weyneenaa dhacay iskoobihii ayaa jabay' duqii ayaa ugu jawaabay isagoo ilka caddeenaaya 'Wax weyn maaha laakiin, see u jabtay?'
Cunuggii baa ku jawaabay 'Waa ogtahay aabbe maahoo markuu sacu wax ku kufo oo ku dhaco inay jabayaan. Duqiiyoo yaabbanaa ku jawaabay 'Sacii ! ma waxaa u jeeddaa saceennii qaaliga ahaa?' Cunuggiiyaa ku jawaabay "Haa, Haa,. Sacoo la cararaya baqdin baa ku joogsatay iskoobbaha markaasay ku kor dhacday iskoobbihii saasuuna ku jajabay iskoobbihii.
Duqiiyaa ku jawaabay 'saciina, wax ma gaareen?' Canuggii baa ku jawaabay 'Waa bakhtiday'. Duqiibaa qeeylo qabsaday 'Dhimatay..!!!' Canuggii baa ku jawaabay 'Waxay ka cararaysay dab'. Duqiibaa yiri 'Dab aa!! Dabkee?'. Canuggii baa ugu jawaabay 'Gurigeennii waa gubtay'. Duqiibaa dhahay 'Yaa .....!!!! Gurigeenni waa gubtayaa... See u gubtay gurigu?'. Canuggii baa yiri 'Walaalkeey allaha u naxariisatee'.
Duqiiyaa ka soo dhex galay oo ka jaray hadalkii 'Walaalkaa ma dhintay?' Canuggii baa yiri 'Haa !!!! Sigaarow ku cabaayey inta seexduu darintii ugaga dhacay,markaasuu gubtay gurigii walaalkayna markaasuu ku dhinta guriga dhexdiisa'
Duqiiyaa dhahay oo weydiiyey isagoo derbiga cuskanaya.... 'Goormuu walaalkaa sigaarka cabbi jiray?' Wiilkii baa dhahay 'Waxaw sigaarka u bartay si'uu u hilmaamo dhibtii intaad maqneed soo martay' Duqiiyaa la soo booday 'Dhibtaasi maxay ahayd?'
Canuggii baa ku jawaabay 'Wuxuu ka xumaaday geeridii hooyaday!!!'... Duqiiyaa dhahayoo weydiiyey 'Habartaa maxaa ku dhacay?' Canuggiiyaa ku jawaabay 'Waa dhimatay
www.allmeheri.com
17/05/2012
MAXAY KULA TAHAY TASTUURKA QABYO QORAALKA!!!!!?
01/05/2012
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta korme
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta kormeer ku tagay goobtii la dajin lahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaana Ra’iisul Wasaarah...