Nafdu waxa ay diiddeen
Iga daaya leeyahay
Dadka inaan la doontaa
Doqoniimo weeyee
Waxa dura miyaan jaro
Deel-qaafka meel dhigo
Shay kasdoo qalbiga dila
Daadasha qulqulayiyo
Maan ku daro duufaanada
Darajiyo xurmiyo sharaf
I dul dhiga haddaan idhi
Dalabkaygu kaas yahay
Dadku ila mid weeyee
Horta maan dedaal falo
Dalladaha xaqdhawrka ah
Maan dushooda wada sudho
U duceeyo qaar badan.
Abdi yare ixsan
Bulsho media
Hadalkaan daliil haysan
Loo dayin kitaabkeena
Daahow rasuulkiina
Baal mara dariiqiisa
Waa lagu dayoobaaye
Ka daboolo maqalkaaga
Af- ka hooyo dahab weeye
Darab weeye geedaysan
Darar iyo irmaan weeye
Dhalay weeye kuu dihine
Ka durduuro maaxdiisa
Dibnahaaga haw diidin
Af qalaad ha doondoonin.
Waa daahir dhaqankeenu
Dugsi weeye kaa dayra
Dabaylaha xagaagiiye
Yaan dacar laguu saarin
Deebaaq qadhaadhkeeda
Mid kaleeto oo dool ah
Dusha yaan laguu saarin.
Ree somaliland internetka Laba maalin ha iska xidhaan, xaalada laas-caanood ka socota uma adkaysan karaane😂
Click here to claim your Sponsored Listing.