warbaxin ku saabsan falcelinta hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha dalka faransiiska ooo salka ku haayey islaam naceyb.
Wariye mahad macalin garbajoof
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wariye mahad macalin garbajoof, Gaalkacyo.
11/07/2020
Wararka naga gaaraya magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu halkaasi ka dhacay Qarax.
Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Bambo gacmeed ayaa lagu weeraray Maqaayad ku taalla Kismaayo.
Goobta Qaraxa lagu weeraray ayaa inta badan waxaa fadhiista Ciidanka maamulka Jubbaland, waana Mid lagu cabo Shaaha.
Waxaa Qaraxaasi ku geeriyooday wiil yar oo 12 sano jir ah oo ku sugna goobta uu Qaraxu ka dhacay.
Sidoo kale Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi kuwaasoo ku sugnaa Maqaayadd Bambadda lagu tuuray.
Ciidanka Jubbland ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay waxaana ay ka bilaabeen howlgallo.
11/07/2020
Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo kulamo kala gaar gaar ah xalay la qaatay qaar kamid ah Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi h**e mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan casho ah la qaatay qaar kamid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Khaliif C/qaadir Macallin Nuur, waxaa qayb ka ahaa Sheekh Cali Wajiis, Sheekh C/qaadir Soomow iyo Culumaa’uddiin kale oo Soomaaliyeed.
Kulanka Guddoomiyaha MXQ ka hor waxay culumaa’uddiinkan Soomaaliyeed la soo kulmeen Madaxweynihi h**e ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaanka sare ee Madasha XQ kamid ah.
Kulamada kala gaar gaarka ah waxaa diiradda lagu saaray xaaladda dalka, marxaladda kala guurka ah ee Doorashooyinka iyo shirka Mudullood ee dhawaan ka dhici doona magaalada Muqdisho.
11/07/2020
Magaalada Dhuusamareeb Maanta Waxaa ka furmaya Shirka Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo dhammaantood ku sugan Dhuusamareeb.
Ajendaha Shirka maanta furmaya ayaa ah Khudbad jeedinta Madaxda maamulada ee Shirka ka qeyb galaya.
Shirka qodobadda diiradda lagu saarayo ayaa kala ah Arrimaha Doorashada Soomaaliya, Dib u eegista Dastuurka Iyo Sharciyo ay Meel Mariyeen Golaha Shacabka oo Qaarkood ay diidanyihiin Maamul Goboleedyada.
Shirka ayaa ah mid ay dhamaan isha ku hayaan daneeyayaasha Siyaasadda Soomaaliya Waxaana shirka Aan Qayb ka ahayn Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la soo dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga madaxda Dowlad goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb.
11/07/2020
Saaka oo sabti ah, taariikhduna tahay 11ta July 2020, Waxaa Imtixaanka shahaadiga ah fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe u fadhiisan doona Ardeyda ku sugan Magaalada Muqdisho.
Imtixaanka ayaa ka dhici doona dhammaan maamul goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka maqan maamulka Puntland.
Gobolka Banaadir Waa markii ugu horreysay ee laga qaadaayo Imtixaanka dugsiga dhexe, waxaana horay u socday Mideynta Imtixaanada dugsiyadda Sare.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Xil. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hambalyo u diray ardayda maanta u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe.
“Waxaan hambalyo u dirayaa ardayda fasalka 8aad ee maanta u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe. Waxaan idin rajeynayaa guul iyo natiijo aad ku faraxdaan”ayuu yiri Wasiir Goodax.
11/07/2020
Ciidanka Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa qaaday xalay howlgal lagu dagaallamaayo Waxyaabaha Maanka dooriya iyo sidoo kale Maleeshiyaad ku sugnaa barkontorool oo ku taalla Xaafadda Garsoor.
Is rasaasayn socotay Muddo ku dhow hal saac ayaa ku dhex martay gudaha magaaladaasi ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo malayshiyaad hubaysan.
Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay in ay si buuxda ula wareegaan goobihii ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka iyo sidoo kale Waxyaabihii Maanka dooriyaha ahaa ee ay goobta ku haayeen sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Wararka hadda ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu dib u bilowday mar kale dagaal labadda dhinac ka dhex taagan, islamarkaana Maleeshiyaadkii xalay la weeraray ay saakay ku qaadeen weerar Ciidanka Puntland.
Magaalada Gaalkacyo ayaa laga maqlaya daryanka hubka labadda dhinac, waxaana Ciidanka ay sheegeen in ay sii waddi doonaan dagaalka ka dhanka Waxyaabaha Maanka dooriya.
11/07/2020
Wararka naga gaaraya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay xabsiga dhigeen Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).
Puntland ayaa ku eedeysay labadaas Sarkaal in Ciidamo ka tirsan Booliiska Gobolka Nugaal oo ay kamid ahaayeen Labadaasi Sarkaal islamarkaana loo qaaday Magaalada Qardho si tababar loogu furo ayaa la sheegay in ay gadood kooban sameeyeen inkastoo markii dambe la xalliyay.
Xarigga Labada Sarkaal ayaa la xiriira gadoodka ay sameeyeen Ciidanka balse Saraakiisha Booliiska iyo Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaas.
Sidoo kale maalmo ka hor waxaa gadood sameeyay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo diiddanaa in la diiwaan-geliyo balse markii dambe lagu qanciyay.
10/07/2020
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ka socda kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad goboleedyada dalka kajira kuwaas oo halkaasi u tegay shir gaar ah oo ay yeelanayaan.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada , Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Hir-Shabeelle.
Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kaas oo diyaar garoowgiisa haatan siwyen looga dareemayo halkaas.
10/07/2020
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 9-kii Bishaan July duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanka Hantiwadaag oo 12km u jira degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal Xubin oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana ay ku burburiyeen Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab waa sida hadalka u dhigay.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.
Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanka uu hakiyay todobaadyadii la soo dhaafay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya oo mararka qaar ay ku waxyeeloobaan dad Shacab ah.
10/07/2020
Booliska koofurta Kuuriya ayaa helay maydka duqii caasimadda dalkaasi ee Seoul oo la waysanaa tan iyo khamiistii aynu ka soo gudubnay.
Guddoomiyaha maydkiisa la helay oo lagu magacaabi jiray Park Won-soon’ ayaa gabar uu dhalay waxaa ay u sheegtay booliska in ka hor inta aanu guriga ka bixin uu ku dhaafay fariin taas oo sare u qaaday su’aalo iska waydiinta sababta iyo shakiga la xiriira in muddo la waysanaa .
Maydkiisa ayaa laga helay Mount Bugak oo ku taala waqooyiga magaalada Seoul,una dhow meel lagu ogaada wicitaanka telefoonkiisa lagu ogaaday in uu joogay markii ugu dambeysay oo xiriir lala sameyay .
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa .
Waxaa jira warar sheegaya in haweeney ka mid ah shaqaalihiisa ay dacawd ka dhan ah Mr Park isla markaana la xiriirta xadgudub dhinaca galmada ah ay ka gudbisay ka hor inta aan la waayin meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Ma uusan soo xaadirin shaqada Khamiista, isaga oo baajiyay kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha .
Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Lee Byeong-seok ayaa u sheegay wariyeyaasha in gudoomiye Park ay ku arkeen kaamirada amniga meel u dhow albaabka laga galo aagg caan ku ah alwaaxda uu dhow magaalada Seoul.
10/07/2020
Gaarigaan oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusii jeeday deegaano ka tirsan gobolka Mudug,waxaana la sheegay in rag hubeysan ay ku rasaaseeyeen degaan hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaariga oo ah nooca loo yaqaano Leyla Calaawi uu siday dad rakaab ah, balse xilli uu marayay tuulada Bashaqle oo hoostagata degmada Cadale uu ku dhacay rag ay isbaaro u taallay degaankaas,waxaana muran ka dhashay ragga hubeysan oo lacag doonayay ay sababtay in gaariga la rasaaseeyo.
Inta la xaqiijiyey rasaastaas ay kooxaha hubeysan fureen ayaa waxaa ku geeriyooday wadihii gaariga oo kusoo jeediyay Magaalada Gaalkacyo,kaas oo lagu Magacaabi jiray Farxaan Xersi Baseey.
Raggii hubeysnaa ee gaariga rasaaseeyay ayaa goobta isaga baxsaday,iyada oo meydka Ninka ku dhintay rasaasta loo qaaday degaanka Godinlabe oo la sheegay in uu degaan ahaan kasoo jeedo.
Mararka qaar ayaa Gaadiidka ku safra deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay la kulmaan kooxo burcad ah oo u geysta falal isugu jira dhac iyo in la rasaaseeyo taas oo keenta waxyeelo soo gaara rakaabka.
Maamulka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe weli k**a hadlin falkaan,waxaana horay u jirtay in deegaano kale oo hoostaga degmadaasi ay ka dhaceen in dhac loo geysto dadka Shacabka ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Telephone
Website
Address
Gaalkacyo