06/05/2023
Toban Qarni iyo Taariikhda Soomaalidii H**e:
Qaybtii | 1aad
Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka.
Taariikhda aan ka hadleyno oo ka soo bilaabaneysa qarnigii sideedaad waxaan uga hadli doonaa intii Soomaalida soo gumeysatay, mutjamacyadii ku soo noolaa iyo xukuumadihii ay lahaan jireen magaalooyinka caanka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xeebaha.
Taariikhdaan oo aan ka soo dheeganeeno Buugaag waqtiyo fog h**ey loo qoray iyo Dukumintiyo ay qoreen dad Bad-mareen ahaa oo magaalo Xeebeedyada Soomaaliya imaan jiray.
Waxaan si faahfaahsan ugu xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin Carab Soomaali ah oo lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii h**e.
Maxaa la oran jiray Muqdishooyin?, xaggee ka yimid magaca Muqdisho iyo magacyada Xamarweyne iyo Shangaani?, muxuu ku yimid magaca Gaalkacyo?, sidee ku aas aasantay magaalada Baraawe magacuse ugu baxay?, muxuu magaca War-shiikh ku yimid?, halkeese ka yimid magaca Cadale?.
Meeqa gumeyste ayaa soo martay Soomaaliya?, imisa ayaa Muslim ahayd?, goormey ahayd waqtiyadii ay Soomaaliya soo kala xukumayeen?, sidee u labisan jireen dadkii xilligaas ku noolaa Soomaaliya?, sideese muuqaalkoodu ahaa?, goorma ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu dhigay xaflad lagu xusayo Mowliidka Nebigaﷺ.
Intaas oo su’aalood iyo kuwo ka badan waxaa Sabti kasta idinkaga jawaabaya akhristayaal Bogga Shafie xerow, waxaana maalinba idiin soo qaadi doonaa meel xiiso leh
10/10/2022
10/10/2022
10/10/2022