21/03/2023
IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta
IMF oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta
Visit the post for more.
26/12/2022
Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay
Shirka Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay
Visit the post for more.
25/12/2022
Wasaaradda Maaliyadda oo soo Bandhigtay Qorsheyaasha Horumarinta dhaqaalaha ee Sanadka 2023
Wasaaradda Maaliyadda oo soo Bandhigtay Qorsheyaasha Horumarinta dhaqaalaha ee Sanadka 2023
Visit the post for more.
18/10/2022
Hey’adda IMF oo bogaadisay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya
www.ummaddamedia.com
15/10/2022
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim la yeeshay Waaxda Maaliyadda Dowladda Mareykanka
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim la yeeshay Waaxda Maaliyadda Dowladda Mareykanka
Visit the post for more.
13/10/2022
R/Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay RW ku xigeenka Itoobiya
R/Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay RW ku xigeenka Itoobiya
Visit the post for more.
13/10/2022
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Washington uga qeybgalay Shir looga hadlayay dhaqaalaha Soomaaliya
www.ummaddamedia.com
15/07/2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magalaada Nairobi
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ku soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Diyaaradaha ee JKIA, Wasiirka Beeraha dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kenya ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ee ku saleysan xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga, sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia ka soo baxay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.
15/07/2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magalaada Nairobi
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magalaada Nairobi
Visit the post for more.
12/07/2022
Akhriso heshiiska Is – af-garad ah ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Ereteriya
Akhriso heshiiska Is – af-garad ah ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Ereteriya
Visit the post for more.
12/07/2022
Soomaaliya iyo Ereteriya oo kala saxiixday heshiis Is - afgarad
Muqdisho, Luulyo 12, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo qaadatay afar maalmood ku joogay waddanka Ereteriya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.
Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo u kuur-galidda xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.
Labada Madaxweyne ayaa gunaanadkii booqashada kala saxiixday heshiis is af-garad oo taabanaya dhinacyo kala duwan. Qodobbada heshiiska is af-garad ee ay labada dowladood kala saxiixdeen ayaa ka kooban qodobbada hoos ku xusan:
1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.
2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.
3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.
4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.
5- Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.
6- Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.
7- In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Ereteriya waxa uu booqday xeryaha ay tababbarrada ku qaataan ciidamada kala duwan ee dalkaas jooga, isaga oo ugu dambayntiina booqday magaalada Massawa oo ay tababbar u joogaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ku bogaadiyey tababbarrada adag ee ay qaateen isaga oo sidoo kalena uga warbixiyay ahmiyadda iyo mudnaanta ay dowladdu siinayso xorreynta dhulalka ay argagaxisadu haystaan iyo doorka la filayo in ciidamadani ka qaataan sugidda amniga guud ee dalka.
DHAMMAAD
22/06/2022
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.
Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka, sida lagu xusay qoraalka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.